upwork-la-gi-16557117441141822243770-0-0-674-1200-crop-16557117518951108831062-1

Waa maxay Upwork, oo maku haboon tahay dadka iskood u shaqeysta?

Waa maxay Upwork?

Upwork waa goob suuq ah oo loogu talagalay dadka sida xorta ah u shaqeysta(freelancers) goobaha sida qorista, naqshadeynta garaafyada, horumarinta webka, suuqgeyn iyo qaybo kale oo badan oo shaqada internetka ah.
Boggan wuxuu ka caawiyaa xirfadlayaasha inay helaan mashaariic la xiriira xirfadahooda oo ay ka sameeyaan lacag.

Upwork ma tahay hab sharci ku ah in lacag laga sameeyo online-ka?

Hadii aad tahay qof madax banaan(freelancer) oo iskii u shaqeysta oo doonaya inuu bilaabo shaqo doceed(side hustle) waxaad kor ugu qaadi kartaa khibradaada iyo waayo aragnimadaada aad u leedahay xirfada adiga oo sameysanaya profile dadka soo jiidanaya.
Laakin goobta waxaa ka buuxa shaqaale cusub kuwaas oo raba in ay u qaataan shaqada qiimo hoose, taas oo saameyn karta awoodaada shaqo.
Taasi waxay ka dhigan tahay, sida uu sameeyo ganacsi kasta oo internetka ah ama dhaqdhaqaaqa dhinac online-ka ah, waxay u badan tahay inay qaadato waqti, dadaal iyo xirfad si aad u kasbato wax badan.
Guud ahaan, Upwork waxa ay sahlaysaa in aad shaqo raadiso oo aad lacag samayso, laakiin si taxadar leh uga fakar maashaariicda ama shaqooyinka aad doonayso inaad codsato.

Sidee loo helaa shaqooyinka Upwork?

Ku biirista Upwork waa nidaam toos ah, laakiin marka aad gasho, waxaad u baahan tahay inaad naftaada iibin karto oo aad ka iibin karto macaamiishaada.

Sameyso profile adag leh?

Ugu horeyn waa inaad sameysaa profile soo jiidan karo loo shaqeeyayaasha . Shaqo ma heli kartid mid la’aanteed, waana meesha aad ka bilaabi doonto markaad aad gasho mareegta.

Waxyaabaha lagama maarmaanka u ah inaad dhisto profile waxa ka mida :

  • Cinwaan iftiiminaya xirfadahaaga.
  • Ciwaan soo jiidashe leh.
  • Qoraal profile ah oo ku saabsan naftaada.
  • Qiimahaaga saacadii.
  • Xirfadaha ku habboon ee aad qaban karto.

Qaybaha adeegga.

Geli profile-kaaga wixii fikir ah ee aad ku soo jiidan karto macaamiishaad mustaqbalka si aad u siisid dareen wanaagsan oo laguugula shaqeyn karo
Profile-kaaga waxad ku dartaa shaqooyin hore oo aad soo qabatay si aad kor ugu qaadid qiimahaaga suuqa adiga ku muujinaya halka ugu sareysa.

Upwork waxay uu 48h gudohood ku ansixin doonaa macluumaadka aad gelisey waxana uu hubsanaya in macluumaadku yahay mid sax ah, kadib waad shaqo tegi kartaa.

Kala xidhiidh macaamiisha suurtagalka ah “Connects.

Upwork waxay siisaa qofka shaqo doonka laba qorshe xubinimo oo loogu talagalay hawl-wadeennada xorta ah: Basic iyo Plus.

Freelancer Basic: waa qorshaha bilaashka ah ee caadiga ah. marka u horeysa waxa lagu siinayaa 80 connects aad ku codsan karta shaqooyinka bil kastana waxa lagu siinayaa 10 xabo hadii aad doonayso ku hadal dheeraad ah waxa aad iibsan karta xidhmo gaar ah oo aad ku heleyso qiimo jaban.

shaqooyin ka raadi mareegta adeegso si aad u codsato shaqo conects-kaaga lagu siiyey adiga oo dadka ka gadaya naftaada soona jiidanaya adiga iska qoraya warqad hordhac ah. waxa kale oo aad u raacin kartaa shaqooyinkii hore ee aad soo qabatay adiga oo ku lifaqaya cadeynta taasi waxay kor u qaadi kartaa fursadaha laguugu soo aqbali karo.

Freelancer Plus: waa qorshaha lacag la bixinaya. Qorshahan waxaad bixinaysaa $14.99 bishii wuxuuna ku helayaa 80 Connects bishii, oo ay la socoto dhawr faa’iidooyin oo kale oo soo jiidan kara hawl-wadeenno badan oo madax-bannaan.

Marba marka kasii danbeysa ee shaqo qabato waxaa kar u kacaya qiimaahaaga suuqa kaas oo kugu sababi kara inaad hesho macaamiil badan.

sameyso hordhac guuleysta

Si aad u shaqaaleysiiso, macaamiishu waxay kuu soo diri doonaan qandaraas si aad u bilawdo mashruuca. Waxaad la shaqayn doontaa macmiilkaaga, adiga oo kula socodsiin doona goobta marba aad marayso kadib marka aad dhameyso shaqada. waxaa kaa jeegareyn doonaa team kale hadii lagu qanco shaqada aad qabatay , waxaa lagu siin doonaa deebaaji toos ah, PayPal ama mid ka mid ah hababka lacag bixinta ee kale ee la heli karo.

Imisaa ayuu qaadanayaa Upwork

Upwork 10% ayuu ka goosanayaa waxa aad ka sameyso Upwork

  • Hadii aad 100$ ka sameyso saacadii 10% ayuu xisaabtaada Upwork ka goosan doonaa
  • Hadii aad 500$ ka sameyso shaqo qiimaheedu goan yahay waxad aad qaadan doontaa 450$ inta kalena waxay u goaysaa Upwork 100$ oo kasta ee aad shaqeysato 10$ oo ka mid ah waxa goosanaya Upwork.

Marka aad Projects-ka aad sacdale ku shaqeyneysid

Waxa jira projects aad saacad ku shaqeyneysid oo markii aad saacad la shaqeysid lacag ayey kugu dhufanayaan lacagtuna ma aha inta aad doonto waxa aad ku heshiinaysaan inta aadan shaqada bilaabin ayaa heshiis kala sexeexanaysaan heshiiskaas ayey ku xusan tahay inta uu saacdii ku siinayo lacagtuna markaa kuu soo dhicimayso ee usbuucii kasta wixii aad usbuucaa soo shaqeysey ayaa laguu soo dirayaa.

Marka aad Qiimo go`an ku shaqeyneysid

Bixinta mashaariicda qiimaha go’an waa mid toos ah oo lacagtiisu wey go`an tahay. Qofka ama shirkadda qandaraaska ku siinaysa waa in ay meel dhigtaa qaddar lacag ah marka aad heshiiska samaynayso. Loo shaqeeyaha sidoo kale waa inuu dejiyaa marxalado muhiim ah, kuwaas oo ah waxqabadyo la taaban karo oo lagu gaari karo shaqada la dhammeeyey. Waxaa lagugu siiyay qayb ama dhammaan deebaajiga markaad ku dhufato isbaarooyinkan, inta soo hadhayna waxa la bixinayaa marka wax walba la dhammeeyo.

Ma wanaagsan tahay in Upwork laga shaqeeyo?

Ma tahay qof xirfad bartay ma tahay qof aan shaqo haysan ma tahay qof shaqo haysta oo doonaya inuu shaqo doceed sameysto waqtigiisa qayb ka mida doonaya inuu ku qaato wax faaido u leh naftiisa iyo mustaqbalkiisa hadaba App-kani waa kaagi waana doorashada saxda ah ee aad sameyn karto hadii aad doonayso inaad soo bandhigto xirfadaha aad baratay kuna shaqeyso.
Si la mid ah ganacsi kasta oo adeegga macmiilka ah, waxay u baahan yihiin inaad si wax ku ool ah ula xidhiidho, u keento alaabta shaqada wakhtiga loogu talogalay oo aad la kulanto ama dhaafto heerarka macmiilka. Upwork waxay cabbirtaa waxqabadkaaga guud iyadoo la adeegsanayo Dhibcaha Guusha Shaqada, taas oo ah boqolkiiba inta u dhaxaysa 0-100% ee lagu soo bandhigay astaantaada. Dhibcuhu waxay ku xisaabtamayaan arrimo kala duwan, sida jawaab celinta dadweynaha iyo kuwa gaarka ah, bixinta qandaraaska iyo xiriirka macaamiisha. TLDR: Samee shaqo weyn, ku bixi waqtigii loogu talagalay oo ka farxi macmiilkaaga si aad ula shaqeysid marar kale oo badan.

Upwork ma tahay suuqii saxda ahaa ee adiga kugu haboonaa?

Haddii aad tahay qof iskii u shaqeysta oo aad rabto inaad gasho suuq furan oo macaamiisha ah, waxaad u baahan tahay inaad mudnaanta siiso Upwork kuma lihii waa platform-ka ugu wanaagsan oo waxa jira platform-yo kale oo isaga la mida ah sida (freelancer,fivver) Laakiinse waxa uu ku jiraa platform-yada ugu horeeya ee dadka iskood u shaqeystaa ay ka shaqeystaan.

pexels-yan-krukau-7698827

Sidee online Lacag looga sameeyaa

Ma waxaad eegeysey ama aad doonaysey shaqo doceed ama fikrad cusub oo ganacsi waa inaad ka fikirtaa wadadii aad ku sameyn lahayd lacagta marka aad ogaato lacag sameynta internet-ka waxa laga yaabaa inaanad ku qancin shaqo aan ahayn tan online-ka. Waxaanad sameyn kartaa waqtigaaga oo dhan ama waqti ka mid waqtiyada aad firaaqada haysid isla markaanaa adigoo jooga gurigaaga

Hadaba Qoraalkan waxaanu kugu tusi doonaa qaabab kala duwan oo onlien-ka lacag looga sameyn karo.

Haa, waad ka sameyn kartaa lacag online-ka, waxa xaqiiqa ah lacag sameynta online-ku waa hababka cajiibka ah ee ugu caansan dunida lacag sameynta ee aad ku heli karto lacag dheeraad ah

Hadii aad la yaabban tahay sida lacag looga sameeyo online-ka lacag waa kuu muhiim inaad nala sii joogto si aad u hesho macluumaad. waxaa jira dad laga yaabo in ay kugula taliyaan fikrado ganacsi oo online ah oo sheeganaya in aad lacag ka samayn karto guriga habeenkii. Inkasta oo ay jiraan habab badan oo lacag lagu kasbado internet-ka, waxaad u baahan tahay inaad maskaxdaada ku hayso, maadaama dadka kuu ballan qaadaya inaad malaayiin doolar ku heli karto maalmo yar gudahood ay u badan yihiin inay isku dayayaan inay kaa faa’iidaystaan. Taa beddelkeeda, waxaa muhiim ah in diiradda inaad saarto hababka sharciga ah ee lacag lagu sameeyo, sida abuurista waxyaabaha ku jira warbaahinta bulshada [social media content creation]

Inkasta oo aad u baahan tahay inaad taxaddar muujiso markaad raadinayso habab aad ku samayso dakhli dadban adiga oo gurigaaga jooga, waxaa jira fikrado badan oo la yaab leh.

Haddii aad la yaabban tahay sida lacag looga sameeyo internet-ka, waxaad u baahan tahay inaad diirada saarto waxa aad markii hore ku wacnayd. Waxaad leedahay karti ay dad badan oo kale jeclaan lahaayeen inay yeeshaan, waxaadna u baahan tahay inaad ku tiirsatid kartidaa haddii aad jeceshahay inaad lacag ka samayso internet-ka.

Ha ka waaban inaad tijaabiso dhowr fikrado, oo xusuusnow inay jiraan dad diyaar u ah inay ku caawiyaan. Isku-dubarid istaraatiijiyad isku-dhafan oo aad isticmaali karto si aad lacag uga samayso internet-ka. waxaan kuu ballan qaadayaa hadii aad u samirtid una shaqeysid si adag inaad billo yar gudohood aad ku sameyn doontid lacag aad ku qanacdo oo aad ku kafayn karto baahiyahaaga asaasiga ah.

shaqo wacan.